Wararka

RW hore Kheyre ayaa hoygiisa qado sharaf ugu sameeyey Gudd. hore ee baarlamaanka Jawaari…


Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre oo u sharaxan xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta hoygiisa qado sharaf ugu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka mudane Maxamd Sh. Cusmaan Jawaari oo booqasho ugu yimid.

Kheyre iyo Jawaari ayaa yeeshay Kulan saacado qaatay oo ay uga wada hadleen doorashooyinka, xaaladda kala guurka iyo Mustaqbalka dalka.

Xasan Cali Khayre ayaa intii uu kulanku socday wuxuu ku celiyay muhiimadda ay ummadda Soomaaliyeed u leedahay doorasho la isla ogolyahay oo waqtigeeda ku dhacda si looga baaqsado khalkhal dhinacya badan oo dalka ku yimaada.

Khayre oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha baneeyay July 25, 2020 kadib markii Madaxtooyadu ay qoonsatay aragtidiisii aheyd in la qabto doorasho la isku raacsan yahay oo waqtigeeda ku dhacda, ayaa dhawaan shaaciyay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha dalka.

Musharax Maxaweyne Xasan Cali Kheyre oo noqday ra’iisul Wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee xukuumad hoggaamiya buruburkii kadib ayaa intii uu ahaa wasiirka koowaad wuxuu ku guuleystay dib-u-dhiska ciidanka, dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka, dowlad wanaagga iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11379 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: