Wararka

Trump ayaa wacad ku maray in jawaab kun jeer ka culus ay ka bixin doonaan weerar walba oo…

FILE PHOTO: A staff member removes the Iranian flag from the stage after a group picture with foreign ministers and representatives of the U.S., Iran, China, Russia, Britain, Germany, France and the European Union during the Iran nuclear talks at the Vienna International Center in Vienna, Austria July 14, 2015. REUTERS/Carlos Barria/File Photo

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray in jawaab “1,000 jeer ka culus,” uu ka bixin doono weerar walba oo ka yimaada Iiraan.

Hadalka Trump ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Iiraan ay qorsheysay dilka Safiirka Mareykanka ee Koonfur Afrika, Lana Marks.

“Weerar walba oo ka yimaada Iiraan, noocuu doono ha noqdo, oo looga soo horjeedo Mareykanka waxaa looga jawaabi doonaa weerar lagu qaado Iiraan oo 1,000 jeer ka culus!” Trump ayaa shalay sidaas ku qoray bartiisa Twitter-ka.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan Saeed Khatibzadeh ayaa beeniyay warka qorshaha dilka ee uu weriyay Politico.

Waxaa la sheegay in Iiraan ay qorsheyneysay inay disho Safiirka Mareykanka ee Koonfur Afrika, oo muddo dheer saaxiib la ahayd Madaxweyne Trump, si ay uga aar goosato dilkii Jenaraal Qasem Soleimani uu Mareykanku u geystay bishii January.

Gen. Soleimani waxaa lagu dilay duqeymo cirka ah oo diyaaradaha Mareykanku ka geysteen garoon ku yaalla Baghdad.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11379 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: