Wararka

Xiddiga reer Holland Memphis Depay ayaa la sheegay inuu ku biiro doono kooxda Barcelona…


Wararka Warbaahinta ayaa qoraya in xiddiga reer Holland Memphis Depay, weeraryahanka kooxda Lyon ee France ayaa ku biiri doono kooxda Barcelona aduun dhan 25 milyan oo euro iyo 5 milyan oo dheeri ah.

Waxay u muuqataa in “Barca” ay ku guuldareysatay inay ku soo darto Lautaro Martinez oo reer Argentine ah una ciyaara Inter Milan oo ahaa bartilmaameedka koowaad ee liiska, sidaas darteed wuxuu u dhaqaaqay dookha labaad ee liiska ciyaartoyda loo baahan yahay inuu shaqaaleysiiyo tababaraha reer Holland Ronald koeman.

Wargeyska Dutch-ka ee “De Telegraaf” ayaa sheegay in heshiiska la dhameystiray, isla markaana faahfaahinta heshiiska ay ku heshiiyeen “Barca” iyo ciyaaryahanka reer Holland, iyo kooxda Faransiiska qiimaha heshiiska.

Wargayska ayaa intaa ku daray “Depay ayaa ka garab ciyaari doona Lionel Messi.”

Waxaa xusid mudan in Koeman uu cadaadis xoog leh saaray kooxda in lagu soo daro ninka ay dhalashada wadaagaan ee Depay, kaasoo kormeerayay tababarkiisa xulka qaranka muddo labo sano ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12158 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: