Wararka

Dadka reer Israel 23% ayaa jeclaan lahaa in ay booqdaan dalka Imaaraadka, sidaasi waxaa lagu…


Ra’yi uruurin lagu sameeyey dadka reer Israel ayaa muujisay inay sugayeen inay booqan karaan Imaaraadka, ayna rajeynayaan inay booqdaan Lubnaan, Sacuudi Carabiya, Masar iyo Urdun.

Wargeyska Jerusalem Post ayaa sheegay in ra’yi ururin dhowaan uu sameeyay Machadka Mitvim Talaadadii ay muujisay in 23% ay sheegeen inay jeclaan lahaayeen inay booqdaan Imaaraadka, 7% ay doonayaan Lubnaan, iyo 4% Sacuudi Carabiya.

6% ayaa sheegay inay jeclaan lahaayeen inay booqdaan Masar iyo 3% Urdun, oo ah laba dal oo Israel ay xiriir diblomaasiyadeed la leedahay, halka 42% ay sheegeen inaysan doonayn inay booqdaan dal carbeed.

Wargeysku wuxuu tilmaamay in markii Israel ay saxeexday heshiiska caadi ka dhigista xiriirka Imaaraatka Talaadadii, dhaqaaluhu uu yahay halka Israa’iiliyiintu ay doonayaan in la abaaro (44%),waxaa ku xiga amniga (24%), diblomaasiyadda (16%) iyo arrimaha Madaniga ah (5%).

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11368 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: