Wararka

Gudd. Mursal ayaa gurigiisa ku qaabilay Lafta-gareen iyo Waare si ay u wadaagaan talo ama fikir…


Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh Axmed C/raxmaan ayaa bilaabay kulamada Madaxda Dowlad Goboleedyada ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Mursal oo aan qeyb ka aheyn kulamada siyaasadeed ee go’aan ka gaarista doorashada ayaa doonaya inuu isku muujiyo kulamada siyaasadeed, si uu talo ama fikir ugu yeesho hannaanka doorashada.

Kulan xalay ka dhacay hoygiisa ayuu Guddoomiye Mursal ku qaabilay Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Maxamed Cabdi Waare iyo C/casiis Lafta Gareen, waxaana kulankan looga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo xaalada guud ee dalka.

Guddoomiye Mursal iyo Muudey ayaa muddooyinkan daawade ka ahaa xaaladaha siyaasadeed ee ka jira Muqdisho iyo kulamada Madaxda heer Federaal iyo dowlad goboleed ku leeyihiinn Muqdisho oo aanay qeyb ka aheyn xal ka gaarista arrimaha doorashada, inkastoo marka lagu heshiiyo la filayo in Baarlamaanka la horkeeno, taasoo ay dowlad goboleedyada ay diidan yihiin.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11446 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: