Wararka

Human Rights Watch ayaa wax laga argagaxo ku tilmaantay kororka tacadiyada kufsiga…


Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Right Watch ayaa warbixin ay ugudbisay golaha amaanka waxay wax laga argagaxo ku tilmaamtay kororka tacadiyada kufsiga ee ka socda Soomaaliya.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in kufsiyo aan kala sooc lahayn loo geystay haweenka, gabadha iyo wiilasha yaryarka ah.

Human Rights Watch ayaa ugu baaqday mas’uuliyiinta Soomaaliya inay si dhakhso leh u ansixiyaan sharciga Dembiyada Jinsiga ee ay ansixiyeen Golaha Wasiiradu muddo laba sano ka hor.

Sidoo kale Hay’adda Xuquuqul Insaanka, ayaa dhiirrigalisay go’aanka magacaabista dacwad ooge khaas ah oo baaritaan ku sameeya dilalka saxafiyiinta.

“Waa lagama maarmaan in madaxda Soomaalidu ay garwaaqsadaan oo ay ilaaliyaan xuquuqda dadkooda ay u leeyihiin inay si xor ah u soo bandhigaan aragtidooda, iyo inay ka ilaaliyaan suxufiyiinta xarig sharci darro ah, dhibaateyn, cabsi gelin iyo weeraro jireed, oo ay ku jiraan dil,” ayaa lagu yiri bayaanka Human Rights.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12187 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: