Wararka

Kenya ayaa la sheegay in ay ogolaatay in Mareykanka ka fuliyo duqeymo xagga cirka dhulkeeda…


Taliska Milatariga Mareykanka ee Afrika ayaa culeys saaraya si ay u fuliyaan weerarada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drones-ka oo lala beegsado dagaalamayasha Al-Shabaab ee qaybo ka mid ah bariga Kenya.

Col. Christopher P. Karns, oo ah afhayeenka guud ee taliska Maraykanka, ayaa sheegay inay garwaaqsan yihiin baahida loo qabo in cadaadis caalami ah oo joogto ah la saaro Al-Shabaab iyo in lala socdo dhaq-dhaqaaqooda, joogitaankooda, iyo in si firfircoon loola dagaallamo si looga hortago faafitaankooda.

Saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay ogolaatay in duqeymaha laga fulin karo aagaga u dhexeeya Garissa iyo Lamu, oo isku xira saldhiga ciidamada cirka ee Manda Bay iyo gobolka xadka la leh Soomaaliya.

Bishii February ee sanadkan, madaxweyne Uhuru Kenyatta booqasho uu ku tagay aqalka cad, wuxuu ka codsaday Madaxweyne Trump in laga caawiyo la dagaallanka argagixisada, oo ay ka mid tahay taageero xagga cirka ah.

Safaaradda Kenya ee Washington si dhakhso ah ugama aysan jawaabin codsiga Uhuro.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11379 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: