Wararka

Maxkamada CQS ayaa xukun xabsi daa’in ah ku riday nin horey isugu soo dhiibay Dowlada oo la…


Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxay maanta xukuntay nin horey isugu soo dhiibay Dowladda Federaalka, ka dib markii uu sheegay inuu ka soo goostay Ururka Al Shabaab.

Farxaan Maxamuud Xasan ayaa horaan isugu soo dhiibay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, waxaase la soo cadeeyay inuu weli la shaqeynayay Ururka Al Shabaab.

Ciidan Dharcad ayaa ogaaday inuu ninkaasi farriimo la wadaagayay maleeshiyada Al Shabaab, maxkamadana la horkeenay cadaymo iyo qiraal arrintaasi ku aadan.

Xeer Ilaaliyada Guud ee Maxkamadda Ciidamada, Korneyl Cabdullaahi Buule Kamey ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in Farxaan Maxamuud Xasan uu weli ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana uu yahay waxa uu ugu yeeray (Laba Wajiile).

Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute), Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dhawaaqay xukun xabsi daa’in ah, oo ninkaasi lagu xukumay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: