Wararka

Nin lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa kufsiga iyo dilka marxuumad Xamdi ayaa laga soo qabtay…


Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowlad-goboleedka Galmudug ayaa xalay saqdii dhexe Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ku qabtay Nin lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa kufsiga iyo dilkii Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax loogu geystay Muqdisho.

Qoraal ay soo saartay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Dowladda Federaalka Zakiya Xuseen Axmed ayaa waxaa ay ku sheegtay in howlgal Ciidanka Galmudug ay ka sameeyeen Cadaado ay ku qabteen Ninkaas oo ka baxsaday Magaalada Muqdisho.

Taliye Zakiye ayaa magaca ninkaas ku sheegtay Maxamed Ibrahim Cismaan oo 24 jir ah, waxaana Ciidanka Booliska Galmudug ee ku sugan Cadaado ay dalbatay inay gacanta kusii haayan eedeysanaha.

Taliska Booliska dowladda ayaa shalay shaaciyay in kiiska Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax loo xiray 11 qof oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen falkii isugu jiray kufsiga iyo dilka ee loo geystay, isla markaana weli ay ku raad-joogaan dad kale, ayna socdaan baaritaano qoto-dheer ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12158 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: