Wararka

Safaarada Mareykanka ee Somalia ayaa marti gelisay kulan looga hadlayay amniga iyo la dagaalanka…


Safaaradda Mareykanka ee Soomaliya ayaa marti gelisay kulan amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab looga hadlayay oo dhex maray Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM iyo Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa shalay ka dhacay Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Xerada Xalane, waxaana ka qeyb galay Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Yamamoto, Taliyaha Howlgalada gaarka ee Ciidamada Mareykanka ee Afrika Jen. Anderson iyo Taliye kuxigeenka Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Amb. Young.

Kulamadan oo ahaa mid gaar gaar ah ayaa Safiirka Mareykanka iyo saraakiisha Ciidamada Mareykanka mid mid ula qaateen Madaxweynayaasha Maamulada Puntland Saciid Deni, Jubbaland Axmed Madoobe iyo Koonfur Galbeed C/casiis Lafta Gareen.

Sida lagu shaaciyay barta Twitter-ka ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya kulankan ayaa looga hadlay iskaashi xoog leh oo dhex mara Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika iyo saddexdan dowlad goboleed oo ku aadan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab ka fulisa Soomaaliya, kaasoo lagu dilay Saraakiil iyo dagaalamayaal, iyadoo sanadkan kaliya weerarada ay ka fuliyeen Soomaaliya uu aad u kordhay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: