Wararka

Dabley hubeysan ayaa la sheegay in degmada Raage Ceele ku dileen macalimiin Dugsi Qur’aan…


Wararka ka imaanaya degmada Raage Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Macalimiin Dugsi Qur’aan saaka lagu laayay degmadaas.

Dabley hubeysan oo aan la aqoonsan ayaa la sheegay inay macalimiinta ku dileen degmada Raage Ceelle, xilli ay ku jireen Subac, iyadoo dableyda hubeysan ay goobta ka baxsadeen.

Falkan arxan-darada ah ayaa dadka deegaanka ay ka argagaxeen, waxaana baraha bulshada lagu soo bandhigay meydadka shanta macalin.

Macalimiintan la laayay ayaa lagu kala magacaabayay

  1. Sheikh Daahir Xasan Cali Dheere
  2. Macalin Maxamuud Canbuure
  3. Macalin Maxamed Xuseen Axmed Cadaawe
  4. Macalin Mukhtaar C/llaahi Cilmi
  5. Ow Muxumud Xasan Cali Dheere

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Raage Ceelle iyo kan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12158 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: