Wararka

Dowladda Mareykanka ayaa 7 ruux ku eedeysay inay jabsadeen xogta hay’ado dowladda ah…


Dowladda Mareykanka ayaa 7 ruux oo shan ay u dhalatay dalka Shiinaha, labana dalka Maleysia ku eedeysay in ay u dhaceen islamarkaana ay jabsadeen xogta hay’ado dowladda ah, shirkado iyo ururro Mareykanka ka diiwaan gashan.

Ku-xigeenka Wasiirka Caddaaladda Jeffrey Rosen oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in todobadan ruux ay dhanka internetka ka weerareen in ka badan 100 shirkadooda oo daafaha caalamka ku kala yaal, iyagoona shanta eedeysane ee Shiineyska ah uu sheegay in ay u shaqeeyaan dowladda Shiinaha.

Jeffrey Rosen ayaa ku eedeeyay dowladda Shiinaha in ay hoy siiso burcadda internetka.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in shanta Shiineys-ka ah ay baxsad yihiin, halka labada Maleysia kasoo jeeda la qabtay Isniintii.

Weerarka raggan ee dhanka internetka ayaa socday muddo 6 sannadood ah, sida uu shaaciyay Jeffrey Rosen .

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: