Wararka

Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa walaac ka muujiyey soo daahida heshiis la isla ogol yahay…


Shir ay soo qaban qaabisey iskutaga Ururada Bulshada Rayidka Somaaliyeed, ayaa waxaa looga Hadlay xaalada maanta uu dalka marayo iyo shirka wadahadalada siyaasadeed ee madaxda Dowlada Federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah Dowlada Federalka ugu socda Muqdisho.

Shirka waxa aad looga doodey islamarkaasna kasoo qaybgalayasha ay walaac ka muujiyeen sida aysan madaxda ugu xisaabtameynin waqtiga ka harsan xilli sharciyeedka dowlada iyo sida looga baahan yahay in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka la fllayo 2020/21.

Shirka waxaa laysku dhaafsadey aragtiyo ku aadan baahida loo qabo in dalka doorasho ka dhacdo iyo sida ay ugu dhici karto doorasho keeni karta xasilooni siyaasadeed korna uqaadi karto kalsoonida dadka ku qabaan dhismaha dowladnimada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11861 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: