Wararka

Xiddigta ciyaaraha kubada koleyga Mareykanka Maya Moore ayaa guursatay nin ay xabsi ka soo…


Xiddigta ka tirsan ciyaraaha kubadda koleyga ee qaranka ee Mareykanka Maya Moore ayaa guursatay nin ay gacan ka siisay in xabsiga laga sii daayo kadib markii si khaldan loogu xukumay dambiyo la xiriira weerar iyo tuugnimo.

Ninkan oo la yiraahdo Jonathan Irons ayaa la sii daayay bishii July kaddib muddo 23 sano ah oo uu xirnaa, waxaana bishii March meesha laga saaray dacwaddii horey loogu soo oogay.

Maya Moore waxay joojisay inay ka qeyb gasho ciyaaraha kubadda koleyga ee Mareykanka sanadkii 2019-kii si ay waqti ugu bixiso sidii uu xoriyaddiisa dib ugu heli lahaa ninkan.

“Waxaan is guursanay bilooyin ka hor, waxaan ku faraxsanahay in aan wadaagno nolosha cusub” ayay tiri Moore oo la hadashay barnaamijka Good Morning America.

Waxay u joojisay ka qeybgalka kubadda koleyga si ay ugu guuleysato sii deynta Jonathan Irons.

Moore waxay markii ugu horreysay ku biirtay kooxda Minnesota Lynx sanadkii 2011-kii, waxayna u horseeday kooxdan inay ku guuleystaan afar jeer tartanka ciyaaraha kubadda koleyga, waxaana sanadkii 2014-kii loo magacaabay ciyaartoyda ugu waanagsan kubadda koleyga.

Gabadhan lagu magacaabo Maya Moore waxay kamid noqotay mid kamid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan taariikhda ciyaaraha kubadda koleyga ee Mareykanka ee WNBA, waxay heysataa labo biladood oo ciyaraha olimbikada ah iyo labo biladood ah tartanka caalamiga ah ee kubadda koleyga.

Balse waxay go’aansatay inay joojiso tartamada kubadda koleyga si ay u caawiso Irons oo 12 sano ka hor ay kulmeen intii aanan la xirin kaas oo lagu riday 50 sano oo xarig ah.

Markii meesha laga saaray xukunkii horey loogu riday, Garsoore Daniel Green wuxuu ku tilmaamay kiiskiisa “Mid daciif ah oo aan heysan caddeymo xooggan”

Moore, jilbaha ayay dhulka dhigatay markii ay qaabilsay Irons xilliggaas oo laga soo daayay xabsi ku yaalla magaalada Jefferson oo ku taalla gobolka Missouri.

Mar wax laga weydiyay in dib ay ugu laaban doonto ciyaaraha kubadda koleyga iyo in kale, waxay ku jawaabtay “Waxaan ku rajo weynnahay in aan ku biiro xilliga gu’ga si aan horey ugu socdo”

“Haatan waxaan isku dayayaa in aan nasto kaddib dagaal dheer”

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: