Wararka

Wasiir ku xigeen ka tirsan Hirshabeelle ayaa xalay lagu dilay magaalada Jowhar ee xarunta…


Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in lagu dilay Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo ka tirsanaa baarlamaanka HirShabeelle ahaana wassiir ku xigeenka wassaaradda diinta iyo awqaafta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Dilkaan ayaa dhacay xili uu Xildhibaanka kasoo baxay masjid ku yaala magaalada Jowhar waxaana goobta isaga baxsaday dableydii dilka geysatay.

Xildhibaankan xalay lagu dilay magaalada Jowhar ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu saameynta badan Xildhibaanadda maamulka Hirshabelle kasoo deegaan doorashadiisu aheyd degmada Matabaam ee gobolka Hiiraan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: