Wararka

Diyaarad nooca xamuulka qaadda ayaa ku dhacday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade…


Diyaarad ah kuwa nooca xamuulka qaadda oo kusii jeedday magaalada Beledweyne ayaa cilad farsamo oo ku timid awgeed kusoo dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Ma jiraan khasaare nafeed oo ka dhashay, waxaana la sheegay in laga soo badbaadiyay 4 qof oo saarneyd.

Waxay hadda taallaa meel aan aheyn dhabbaha diyaaradaha ay ka degaan.

Sii-hayaha wasiirka gaadiidka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA u sheegay in loo gurmaday dadkii diyaaradda saarnaa, balse ma sheegin nooca ciladda farsamo ee diyaaradda heshay.

Soomaaliya ayaa waxaa ku kordhay bilihii ugu dambeeeyey shilalka diyaaradaha dalka, kuwaas oo dhammaantood la sheegay in la baarayo, balse weli aan wax natiijo kama dambeys ah laga soo saarin.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11771 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: