Wararka

Garsoore caan ah oo ka mid aheyd Maxkamada Sare ee Mareykanka ayaa jimcihii geeriyootay…


Ruth Bader Ginsburg oo ahayd garsoore muddo dheer ee Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa fiidnimadii Jimcahii u geeriyootay cudurka kansarka.

Ginsburg, oo aheyd haweeneydii labaad ee garsoore ka noqota Maxkamadda Sare, ayaa ku dhimatay gurigeeda oo ku yaal caasimadda Washington iyadoo ay qoyskeedu ku hareereysnaayeen, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay maxkamada. Waxa ay ahayd 87 jir.

“Qarankeennu wuxuu lumiyay astaan taariikheed,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Madaxa Maxkamadda Sare John Roberts.

Ginsburg ayaa ahayd u ololeeye xuquuqda dumarka ah waxayna ahayd garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare illaa 1993-kii.

Waxay u dhimatay dhibaatooyin ka dhashay kansarka xameetida ku dhaca, sida ay Maxkamaddu ku sheegtay qoraalkeeda.

Dhimashada Ginsburg ayaa siineysa Madaxweyne Donald Trump suurtagalnimada inuu sii ballaariyo aqlabiyadda garsooreyaasha muxaafidka ee Maxkamadda Sare, islamarkaana uu magacaabo garsoore saddexaad, xilli ay doorashadu soo dhowdahay.

Raadiyaha Qaran ee NPR ayaa wariyay in maalmo ka hor geerideeda ay Ginsburg waraaq u yeerisay gabar ay ayeeyo u tahay oo la yiraahdo Clara Spera, iyadoo qoraalka ku sheegtay “rabitaankeyga aadka u weyn ayaa ah in aan la i beddelin illaa madaxweyne cusub la soo doorto.”

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11855 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: