Wararka

M/weyne Farmaajo ayaa ka hadlay sababta keentay inuu ka tanaasulo doorasho qof iyo cod oo…


Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay sababtii uu uga tanaasulay doorasho qof iyo cod ah in Soomaaliya ka dhacdo, taasoo ahayd waxyaabihii ugu weynaa ee keenay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagnaa dowladdiisa iyo dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha oo xalay ka hadlayay kulan lagu soo xirayay shirkii hannaanka doorashada heshiiska looga gaaray, ayaa ku micneeyay labo sababood oo uu uga tanaasulay doorashadaas, taasoo midda koowaad ay tahay inuu ka baqsaday in aanay dowlad goboleedyadu ka qeyb galin doorashadaas iyo in faro galin shisheeye ay timaado.

Madaxweyne Farmaajo ayaa caddeeyay in saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay dowlad goboleedyada isku hayeen in la qabto doorashadaas, halka ay iyaguna ku adkaysteen in aan xilligeedii la gaarin oo ay u baahan tahay ugu yaraan 2 sano.

“Inaan doorasho qof iyo cod ah qabto, waxaa iiga muhiimsan inaan dalka isku hayo kana ilaaliyo in shisheeye soo faro galiyo arrimaheena,” ayuu yiri Farmaajo

Wuxuu sheegay madaxweynuhu in dhamaan shanta dowlad goboleed isku mowqif ku ahaayeen in aan dalka xilligaan la galin Karin doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna sheegay heshiiska hadda la gaaray inay iyagu keeneen.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11889 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: