Wararka

Trump ayaa weerar dhinac afka ah ku qaaday Soomaalida ku nool gobolka Minnesota…


Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa weerar dhinaca afka ah ku qaaday Soomaalida ku nool gobolka Minnesota.

Trump oo boqolaal kamid ah taageerayaashiisa la hadlayay, ayaa Soomaalida iyo qaxootiga ka yimid dalalka Islaamka ku tilmaamay inay la wareegi doonaan oo burburin doonaan Minnesota, haddii uu guulaysto musharaxa la tartamaya Joe Biden.

Madaxweyne Trump ayaa afar sano kadib mar kale ololihiisa doorashada ku galaya la dagaalanka iyo nacaybka soo galootiga ah ee ka imaanaya inta badan wadamada Islaamka

Trump wuxuu mar kale weerar afka ah ku qaaday xildhibaanada Congress-ka Ilhan Omar, isgoo ku tilmaamay inay tahay Xagjir geysatay fal dambiyeedyo.

03 November sanadkan, dalka Maraykanka waxaa ka dhici doonta doorashada madaxtinimada.

Madaxweyne Trump ayaa loolan adag kala kulmi doona madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka, Joe Biden oo sanadkaan ah musharaxa ka socda Xisbiga Dimuqraadiga.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: