Wararka

Baakad la sheegay inay ku jirtay Sunta Ricin oo loo diray M/weynaha Mareykanka ayaa la qabtay…


Ilo wareedyo warbaahineed oo Mareykan ah ayaa shaaca ka qaaday in mas’ uuliyiintu ay qabteen maalmo ka hor baakad loo diray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasoo ay ku jirtay maaddada sunta ah ee “Ricin”.

Fariimaha boostada ee Aqalka Cad ayaa lagu kala saaraa oo lagu baaraa xarun ka baxsan goobta inta aan la aqbalin ka hor, waxaa jiray laba tijaabo oo la qaaday si loo xaqiijiyo jiritaanka maaddadan ku jirta baakadka.

Ilo wareedyo warbaahineed ayaa soo wariyay in sirdoonka Mareykanka iyo FBI-da Federaalka ay baarayaan arrintan.

Maaddada “Ricin” waa sun khatar leh, haddii la cunana waxay keentaa lallabbo, matag, iyo dhiig-bax gudaha ah oo ka dhaca caloosha iyo mindhicirada, waxaana ku xiga hawl gabka beerka, beeryarada iyo kelyaha, kuwaasoo keena dhimasho.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: