Wararka

Gabar shan sano jir aheyd ayaa la sheegay in lagu kufsaday degmada Kaaraan ee Magaalada…


Gabar shan sano jir ahayd ayaa fiidnimadii xalay lagu kufsaday Degmada Kaaraan ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Ehelada gabadha ayaa falkan ku eedeeyay inuu gaystay nin xaafadda la deganaa, kaasoo sida ay sheegeen gabadha qabsaday, ka dibna fara-xumeeyay. Sidoo kale waxay sheegeen in dembiilaha uu ka baxsaday xaafadda.

Samiira Yuusuf Maxamed oo ah gabadha uu dhibku soo gaaray ayaa daryeel ahaan loogu qaaday Isbitaalka Digfeer, baaritaanadana waxaa lagu xaqiijiyay jiritaanka kufsiga loo gaystay gabadhaasi yar.

Qoyska iyo ehelada gabadha ayaa Dowladda Federaalka ka dalbaday in sharciga la horkeeno dembiilaha, isla-markaana ay doonayaan inay cadaalad hellaan.

Tani ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli toddobaadkii hore Magaalada Muqdisho kufsi iyo dil la sheegay in loogu gaystay gabar lagu magacaabi jiray Xamdi Maxamed Faarax.

Kufsigan ayaa markale ka careysiiyay shacabka reer Muqdisho, iyadoona ay dadku si weyn ugu hadalhayaan barraha bulshada ku wada xiriirto.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: