Wararka

RW Cusub ee Somalia ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka codsaday inay siiyaan codka…


Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Somalia ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somalia ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa muuqaal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu marka hore ku sheegay inuu aqbalay xilka uu u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa si daahfuran codka kalsoonida u weydiistay inay siiyaan Xildhibaanada Golaha Shacabka, si aan u guto buu yiri waajibaadkeyga.

“Waxaan doonayaa inaan codka kalsoonida weydiisto Golaha Shacabka, aniga oo rajeynaya in ay i siin doonaan codka kalsoonida, si aan u guto waajibaadkeyga, mahadsanidiin.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa habeenkii Khamiista, Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay inuu noqdo Ra’iisal Wasaaraha xigga.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: