Wararka

Wasiir Cawad ayaa xalay magaalada Mogadishu casho sharaf ugu sameeyey Deni iyo Lafta-gareen…


Sii Hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa xalay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxweyne-yaasha Puntland iyo Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa Siciid Cabdullaahi Deni, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo mas’uuliyiin kale casho sharaf ugu sameeyay hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya inaanan kulankan looga hadlin wax siyaasad la xiriira, isla-markaana uu ahaa mid looga nasanaayay shirarka maalmihii la soo dhaafay ka soconayay Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiintan ayaa kulan ka duwan kulamadii horey ku qaatay hoyga Wasiir Cawad, waana ujeedka loo soo agaasimay kulankan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11751 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: