Wararka

Askari ka tirsan CDS ayaa la sheegay inuu bajaajle ku dilay degmada Hodan xaafada…


Bajaajle ayaa la sheegay in lagu dilay degmada Hodan gaar ahaan xaafadda Soona-key, sida ay ku warrameen dad goobjoogayaal ah, waxaana lagu eedeeyay dilkaas askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Darawalka moota Bajaajta ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Bile Cali Diini, waxa uuna ahaa Aabbe haaysta dhowr carruur ah, islamarkaana ay u dhexeen laba xaas, sida ay ku warrameen ehelkiisa.

Askarigii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta uu falku dhacay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay sida uu dilka u dhacay, wararka qaar ayaa sheegaya in askariga oo taagan waddada dhinaceeda uu ka codsaday Bajaajlaha la dilay inuu qaado, kadibna markii uu ka degay uu xabad ku billaabay, sidaasna uu u dilay.

Halka wararka qaar warbaahinta Muqdisho ay sheegayaan in askariga oo isticmaalay wax-yaabaha maanka dooriya, taas oo aan illaa iyo hadda si buuxda loo xaqiijin.

Ma jiraan war kasoo baxay laamaha ammaanka ee Gobolka Banaadir oo ay uga hadlayaan dilka dhacay.

Meydka maxruumka ayaa la dhigay cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11771 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: