Wararka

Somaliland ayaa sheegtay in aysan qeyb ka aheyn doorashooyinka soo socda ee Somalia…


Somaliland ayaa sheegtay in aysan ka qeyb galayn doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya, iyadoo farriin gaar ah u dirtay ururada iyo wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ee la isku yiraahdo beesha caalamka.

Somaliland ayaa bayaan ay soo saartay waxay uga digtay Dowladda Soomaaliya iyo siyaasiyiinta in aysan ku habaabin bulshada caalamka in Somaliland ay qeyb ka tahay hannaanka doorashada ee Soomaaliya.

Heshiiskii doorashada ee dhawaan lagu gaaray magaalada Muqdisho waxaa qeyb ka ah wakiilada matalaya Somaliland oo ay doorashadooda ka dhaceyso Muqdisho.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11748 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: