Wararka

Rai’isul Wasaaraha cusub ee Somalia ayaa helay codka kalsoonida ee Golaha Shacabka…


Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa helay codka kalsoonida ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Waxaa u codeysay 215 xildhibaan oo ah dhammaan mudanayaasha fadhiga Baarlamaanka maanta ku suganaa.

Ma jirin cid ka aamustay ama diiday Ra’iisal wasaaraha.

Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cabdiraxmaan Mursal ayaa ku dhawaaqay in Ra’iisal wasaaruhu helay codka kalsoonida.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu dhaariyay Aqalka Baarlamaanka Soomaaliya ka dib markii la siiyay codka kalsoonida.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11889 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: