Wararka

Wafdi uu hogaaminayo Siciid Deni ayaa galabta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay…


Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ugu sareeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa soo dhaweynta ka dib waxaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed, halkaasoo ay xilligan ku sugan yihiin.

Labada Madaxweyne ayaa shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada. Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo hadalka ku horeeyay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin imaanshaha wafdiga Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa tilmaamay in labada bulsho uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah oo iskaashi, walaaltinimo iyo Soomaalinimaba ku qotama. Lafta-gareen ayaa intaa ku daray in socdaalkan uu la xiriiro, sidii loo xoojin lahaa xiriirkaasi.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhankiisa ka mahadceliyay sida quruxda badan ee loogu soo dhaweeyay Xarunta Ku-meel-gaarka ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Mudada uu ku suganyahay Magaalada Baydhabo ayuu sheegay inuu kulamo kula qaadan doono Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Deni ayaa tan iyo 1dii bishan ku sugnaa Magaalada Muqdisho, iyadoo uu kaga qaybgalay shirkii ay ku lahaayen Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12181 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: