Wararka

Al-Shabaab ayaa dil toogasho ah ku fulisey nin ay sheegeen inuu sixir ku kala furo qoysas isqaba…


Maleeshiyada Al Shabaab ayaa fagaare ku yaala Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ku toogatay nin ay ku eedeeyeen inuu sixirka ku shaqeysan jiray.

Boqolaal ka mida dadka deegaanka ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii isugu soo baxay fagaarihii uu dilku ka dhacay, ka dib markii lagu wargeliyay inay isugu soo baxaan.

Qaadiga Maxkamadda Al Shabaab ee Gobolada Jubbooyinka ayaa sheegay in Axmed Kuusane Xasan uu caan ku ahaa inuu sixir ku kala geeyo qoysaska is qaba, isla-markaana uu dhib weyn u gaystay qoysas badan oo aroos ahaa, sida uu yiri.

Qaadiga ayaa sidoo kale sheegay in ninkaasi uu xilligan dhib weyn ku haayay bulshada ku dhaqan tuulada Garasey Kuusa ee Gobolka Jubbada Hoose.

Qaadiga ayaa tilmaamay ka dib markii maxkamadda cadeymo iyo qiraal la horkeenay in Axmed Kuusane Xasan ay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho.

Shabaabka ayaa lagu eedeeyaa inay dadka xukunada dilka ahi isaga fuliyaan, iyagoo aan markaasi soo bandhigin wax cadeymo ah, marka laga soo taggo inay yiraahdaan isagaa qirtay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11863 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: