Wararka

RW Somalia iyo Axmed Madoobe ayaa ka wada hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa arrimaha…


Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxaa uu kula kulmay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maalmahaan ku sugan caasimada dalka ee Muqdisho.

Maxamed Xuseen Rooble iyo Axmed Madoobe ayaa ka wadahadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarinta dalka iyo sidii doorashooyinka dalka ay u dhici lahaayeen sidii lagu heshiiyay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Cusub in uu dadaalkiisa ugu badan geliyo Arrimaha doorashooyinka iyo wax ka qabashada dhinaca Amniga.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tan iyo markii loo dhaariyay xilka ayna ansixiyen xildhibaanada baarlamaanka waxaa uu waday kulamo kala gedisan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: