Wararka

Xaliimo Yarey oo xafiiskeeda kula kulantay Danjiraha Sweden ee Somalia Amb. Staffan Tillander…


Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaciil (Xaliimo yarey) ayaa maanta xafiiskeeda kula kulantay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Staffan Tillander.

Kulankan ayaa Safiirka iyo Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka waxa ay ugaga hadleen xaaladihii u dambeeyay ee arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo isbadelladii dhacay maalmihii la soo dhaafay maadaama dalka uu galayo waqti doorasho.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale kulankan looga hadlay geedi socodka dimoqaraadiyadeynta Dalka iyo tageerada Sweden ay ka gaysanayso dhismaha iyo tayeynta Guddiga Madaxabannan ee Doorashooyinka Qaranka oo aasaas u ah geedi-socodka hanaan doorasho oo dimoqoraadi ah oo ka qabsooma Soomaaliya mustaqbalka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11754 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: