Wararka

Agaasimaha cusub ee waaxda warfaafinta ee Madaxtooyada ayaa loo magacaabay…


Agaasimaha cusub ee Waaxda Warfaafinta ee Madaxtooyada Somalia ayaa loo magacaabay Cabdirashiid Maxamed Xaashi ka dib markii agaasimihii hore Cabdi Nuur Maxamed Axmed loo dalacsiiyey agaasime ku-xigeenka Villa Somalia.

Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa hore u ahaa Agaasime Ku-xigeenka Waaxda warfaafinta, qoraalka ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu shaaciyay magacaabistiisa.

Agaasimihii hore ee waaxda warfaafinta Cabdinuur Maxamed ayaa u rajeeyay agaasimahan cusub in xilkiisa uu Alle u fududeeyo.

“Waxaan Agaasimaha cusub u rajaynayaa guul iyo inuu mas’uuliyaddiisa u guto si xilkasnimo leh, aniga oo Ilaahay uga baryaya inuu u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday” ayuu yiri Cabdi Nuur Maxamed Axmed oo ah agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Somalia.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11855 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: