Wararka

Bayern Munich ayaa ku guuleysatay koobka UEFA Super Cup kadib markii 2-1 uga badisay Sevilla…


Bayern Munich ayaa ku guuleysatay UEFA Super Cup markii ay 2-1 kaga badisay Sevilla, kadib markii lagu daray waqti dheeri ah iyadoo ciyaarta ay ku soo dhamaatay waqtigii asliga ahaa 1-1.

Ciyaarta ayaa lagu qabtay garoonka Puskas Arena ee caasimada Hungary ee Budapest, iyadoo ay ka soo qeyb galeen 20 kun oo daawadayaal ah, taasoo ka dhigeysa seddex meelood meel garoonka inta uu qaado oo ah 60,000.

Seville, oo horey u qaaday koobka Europa League, ayaa hoggaanka kula wareegtay rigoore uu dhaliyay Lucas Ocampos daqiiqadii 13-aad, waxaa Bayern u barbareeyey Leon Goretska daqiiqadii 34-aad.

Caawiyaha arbitiraha dhinaca fiidiyowga ee (VAR) ayaa kansalay goolkii uu u dhaliyay Robert Lewandowski daqiiqadii 51aad ee Bayern oo heysata koobka Champions League.

Ciyaarta ayaa lagu kordhiyay waqti dheeri ah oo laba qeyb ah, taasoo fursad siisay Javier Martinez inuu dhaliyo goolka guusha daqiiqadii 104aad.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11771 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: