Wararka

Michelle Obama: Caruurteena waa na naceen, waana wax caadi ah anagaba waan nacnay oo waan isnacnay…


Xaaska madaxweynihii hore ee Mareykanka Michelle Obama ayaa shaaca ka qaaday in labadooda gabdhood ee lagu kala magacaabo Sasha (19) iyo Malia (22) ay neceen islamarkaana aysan dooneyn in ay waqtiga la qaataan.

Michelle Obama, ayaa arrintani u sababeysay cudurka coronavirus oo ay sheegtay in uu iska horkeenay iyaga iyo carruurta maadaama maanta waqtiga intiisa badan guriga lagu wada jiro.

Haweeneydan oo wareysi siineysay Conan O’Brien ayaa sheegtay in iyada iyo Barack Obama ay u alifeen carruurta barnaamijo ay waqtiga isku dhaafiyaan, balse barnaamijyadaasi usbuucyo iyo bilooyin kadib ay ka horyimaadeen.

“Waxaan dhihi karaa, carruurteenna waa na neceen, waana wax caadi ah anagaba waan nacnay oo waan isnacnay”, ayay tiri Michella Obama.

Waxay sidoo kale sheegtay in ay xitaa muddoo kooban ka guureen guriga oo ay u guureen guri aad u weyn si loo kala nafiso.

Si kastaba. xayiraadaha in guryaha lagu jiro ee uu keenay cudurka COVID 19 ayaa isku diray dadka guryaha ku wada nool sida waalid iyo carruurtiisa, dad isqaba iyo kuwo wada noolba.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11766 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: