Wararka

Mursal iyo Axmed Madoobe oo ka wadahadlay xaalada siyaasadeed ee dalku marayo iyo arrimaha…


Guddoomiyaha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynaha maamul Goboledka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa looga hadlay waxyaabo dhowr ah oo la xiriira xaaladda Siyaasadeed ee dalku marayo.

Marxaladda kala guurka ah ee hadda dalka uu marayo iyo waxyaabo kale ayay ka wada hadleen labada mas’uul, waxaana si gaar ah looga wada hadlay sida wararku sheegayaan arrimo ay ka mid yihiin doorashada soo aaddan ee dhawaan dalka ka dhici doonta.

Axmed Madoobe ayaa horay ula kulmay Ra’iisul wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo ay xusid mudan tahay in Axmed Madoobe uu kulamo gaar gar ah waday tan iyo markii Muqdisho uu kaga qayb galay shirkii dhawaan ka dhacay Muqdisho, kaasi oo lagu go’aamiyay nooca doorasho dalka ka dhici doonta.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11889 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: