Wararka

Al-Shabaab ayaa dil toogasho ah ku fulisay labo nin oo ay ku eedeysay in ay ahaayeen basaasiin…


Wararka ka imaanaya deegaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Al-Shabaab toogasho ku fulisay labo ruux oo ay ku eedeeyeen inay yihiin basaasiin.

Maxkamadda Al-Shabaab ay leedahay ayaa raggan ku xukuntay dil toogasho, kadib markii ay sheegtay inay qirteen inay u basaasayeen Sirdoonada Soomaaliya iyo AMISOM, inkastoo aanay raggaas helin wax qareen oo difaaca.

Axmed Maxamed Abiikar oo ahaa 33 sano jir ayaa gacanta lagu soo dhigay, isagoo la shaqeynayay ciidamada AMISOM ee ku sugan Jalalaqsi sida ay sheegeen Al-Shabaab.

Waxaa ay sheegeen Axmed in muddo laba jeer ah cafis loo fidiyay, balse mar kale uu dib ugu laabtay la shaqeynta ciidamada AMISOM waxaana lagasoo qabtay tuulada Buurdheere ugu dambeyntii Al-Shabaab ayaa shalay xukun dil ah ku fuliyay.

Eedaysanaha labaad ee shalay lagu dilay deegaanka Buq Aqable oo lagu magacaabi jiray Cabaas Maxamed Cismaan ayay Shabaab ku sheegeen in uu la shaqeyn jiray qeybta sirdoonka ee magaalada Beledweyne, waxaana laga soo qabtay tuulada Booco ee gobolka Hiiraan.

Al Shabaab ayaa dilal toogasho ah ku fuliya dad kala duwan oo ay ku eedeeyaan inay xiriir la leeyihiin Maamulada dalka ka jira iyo Dowladaha reer Galbeedka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11771 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: