Wararka

Dowlada Qatar ayaa ka cudur daaratay inay ku fadhiisato kursi ay ka degtay Falastiin ee Jaamacada…


Dowlada Qatar ayaa ka cudur daaratay in qabato hogaanka kal-fadhiga hadda ee Jaamacadda Carabta oo lagu beddelayo Maamulka Falastiiniyiinta, sida lagu sheegay farriin uu Wakiilka Guud ee Qatar u diray Jaamacadda Carabta.

Qatar ayaa waxay xaqiijisay inay ku dhigan tahay xaqa ay u leedahay inay qabato madaxtinimada soo socota ee kalfadhiga 155-aad bisha Maarso ee soo Socota.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Falastiin Riyad Al-Maliki ayaa Talaadadii wuxuu ku dhawaaqay in Falastiin ay ka tanaasushay heynta madaxtinimada Golaha Jaamacadda Carabta ee kalfadhigan hadda socda, taas oo sabab uga dhigtay ka soo horjeedka Xoghaynta Guud ee Ururka oo qaatay mowqif taageero u ah Imaaraatka iyo Baxrayn, kuwaasi oo caadi ka dhigay xiriirkooda Israel, taas oo ka hor imaanaysa Hindisihii Nabadda ee Carabta.

Waxaa xusid mudan in gudoonka kalfadhiyada Jaamacada Carabta loo qeybiyo iyadoo loo raacayo nidaamka xarfaha hingaada ee magacyada wadamada xubnaha ka ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11766 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: