Wararka

Ra’iisul wasaarihii cusbaa ee dalka Lubnaan Mustapha Adib ayaa isaga tagay xilkii dhowaan loo…


Wararka ka imaanaya dalkaasi Lubnaan ayaa waxaa ay sheegayaan in Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaasi Mustapha Adib uu isaga tagay xilkii dhawaan loo magacaabay kadib markii uu ku guul-darreystay in uu soo dhiso xukuumad.

Xukuumaddii hore ee dalkaasi ayaa dhacday kadib markii caasimadda dalkaasi ee Beirut 4-tii bisha Agosto ay ka dhaceen qaraxyo khasaare hanti iyo mid nafeed geystay kuwaas oo ka dhacay dekedda magaaladaasi.

In ka badan 190 ruux ayaa qaraxyadaasi oo labo ahaa ku naf-waayay.

Ra’iisul wasaarahan cusub ee is casilay isaga oo aan xukuumad soo dhisin, dalkana maamulin ayaa la magacaabay 26 maalmood ka hor, waxaana xilkan ka hor uu ahaa safiirka dalka Lubnaan u fadhiyay dalka Jarmalka.

Dalka Lubnaan ayaa dhexda u fadhiya dhaqaale xumo iyo guux colaadeed, waxaana uu dalkaasi kasoo baxay dagaal sokeeye oo socday intii u dhaxeysay 1975-kii ilaa iyo 1990-kii.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11750 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: