Wararka

Xildhibaanada labada Aqal ayaa meelmariyey qodobadii ka soo baxay heshiiska doorashada 2020/21…


Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia ayaa maanta meelmariyay oo ansixiyay qodobadii ka soo baxay shirkii Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ugu soo geba-gaboobay Magaalada Muqdisho 16-kii bishan September.

Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horey u ballanqaaday in Baarlamaanka la horkeeni doono wixii lagu heshiiyo.

Kulanka Labada Aqal ee Baarlamaanka oo ka dhacay Xarunta Villa Hargeisa ayaa waxaa soo xaadirtay guud ahaan 255 Xildhibaan.

252 Xildhibaan ayaa haa ugu codeysay in uu sharci-yahay heshiiskaasi, iyadoo 1Xildhibaan uu ka aamusay, halka 2 Xildhibaan diiday.

Guddoonka Labada Aqal oo si wadajira u shir guddoominayay kulankaasi ayaa ku dhawaaqay in heshiiskii Muqdisho uu yahay mid sharci ah.

Heshiiskan ayaa ku qotama nooca doorasho ee leysla gartay in dalka ka dhacdo 2020/21.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11790 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: