Wararka

Barack iyo Michelle Obama ayaa noqday dadka loogu qadarinta badan yahay adduunka 2020…


Sida lagu sheegay sahan la daabacay Jimcihii, Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo xaaskiisa Michelle ayaa ah labada qof ee dunida loogu qadarinta badan yahay.

Hay’adda YouGov ayaa xustay inay tahay tani markii ugu horaysay ee madaxweynihii hore ee Maraykanku uu gaaro qiimaynta ugu sareysa tan iyo markii la bilaabay codbixinta “dadka Inta badan aduunka loogu qadarinta badan yahay 2014”.

Bilyaneerka Bill Gates ayaa galay kaalinta labaad ee dadka loogu qadarinta badan yahay ka dib markii uu sanadkii hore ahaa kaalinta koowaad. Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa galay kaalinta saddexaad.

Halka Michelle Obama ay weli tahay haweeneyda loogu qadarinta badan yahay adduunka, waxaa ku xiga Aktarada Angelina Jolie kadibna Boqoradda Ingiriiska Elizabeth II.

Sannadkii hore, wariyaha Mareykanka ah ee Oprah Winfrey ayaa kaalinta labaad gashay, iyadoo ay ku xigtay Aktarada Angelina Jolie.

YouGov ayaa waxay wareysi la yeelatay 45,000 oo qof oo ku kala nool 42 wadan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11789 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: