Wararka

Ciidamo tababar ku soo qaatay dalka Turkiga oo dib ugu soo laabtay dalka oo la soo dhoweeyey…


Sii-hayaha wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga ayaa Ku dhawaad 300 (Saddex boqol) oo askari oo ka tirsan ciidanka kumaandooska Gorgor ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ciidankaan oo muddo tababar ku qaadanayay dalka Turkiga ayaa shalay dib ugu soo laabtay caasimadda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlay munaasabadda soo dhaweynta ayaa sheegay in ciidankan ay qeyb ka qaadan doonaan la dagaalanka cadowga.

Sii-hayaha wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) ayaa Ciidanka ku dhiirigeliyay in ay aqoontooda uga faa’iideeyaan si dalka looga xureeyo maleeshiyada Al-Shabaab, wuxuuna dowladda Turkiga uu uga mahadceliyay taageerada dhanka tababarka ah ee ay siiso Ciidanka Qaranka.

Dowladda Soomaaliya oo taageero ka heleysa dhiggeeda Turkiga ayaa wada dadaallo dib loogu soo celinayo awooddii Ciidanka Xoogga, si dalka looga cirib tiro maleeshiyada argagaxisada ah ee Al-shabaab.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12181 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: