Wararka

Dooni ayaa ku qarqantay badda Mediterranean-ka taas oo ay la socdeen muhaajiriin u dhashay…


Dooni ay la socdeen muhaajireen doonayay in ay gaaraan Yurub ayaa ku qarqantay Badda Mediterranean-ka meel ka baxsan xeebaha Libya, waxaa ka badbaaday Illaa 22 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan Soomaali, sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka.

Kalluumeysatada Liibiya ayaa arkay doon degtay gelinkii dambe ee maalintii Khamiistii todobaadkii hore, waxayna ku guuleysteen inay 22 qof ka soo saarto biyaha.

Muhaajiriintaan ayaa ka kala yimid Masar, Bangaladesh, Suuriya, Soomaaliya iyo Ghana.

Doonida ku degtay xeebta Liibiya ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 16 qof, waxaana maydkooda la helay saddex qof oo ay ku jirto haweenay Suuriyaan ah.

Ugu yaraan 13 kale oo muhaajiriin ah ayaa weli la la’yahay iyadoo loo maleynayo in ay ku hafteen biyaha, sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM.

Ilaalada Xeebaha Liibiya ayaa ka digay in tirada dhimashadu ay sii kororto maadaama kooxaha baadi goobka ay baarayaan aagga shilku ka dhacay si ay u helaan dhibanayaal badan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11754 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: