Wararka

M/weyne Farmaajo ayaa qirtay in dowladiisa ay ka gaabisay wadahadalka lagula jiro Somaliland…


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay qirtay in ay dowladdiisa ka gaabisay wadahadalka lagula jiro Somaliland kadib markii ay baaqdeen kulamadii lagu ballansanaa dalka Jabuuti.

Tan iyo intii uu madaxweyne Farmaajo xilka hayay, dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa halmar sanadkan bartamihiisa ku kulmay dalka Jabuuti.

“Waxaan qiranayaa in aan ka gaabinay wadahadalada Somaliland,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo hadalkaan ka yiri kulan su’aalo lagu weydiinayay oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku sababeeyay arrintaan, in dowladdiisu ay gashay marxalad doorasho iyo buuq siyaasadeed oo ku kalifay inay hoos u dhigto wada xaajoodka Somaliland inta laga baxayo geeddi socodka doorashada.

“Way iga go’an tahay inaan daacad ka ahaado wadahadalka Somaliland, ma ahan wax doorasho lagu gali karo. Waa masiir Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo sheegay in wada hadaladu ay sii socon doonaan.

Wada xaajoodka dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa soo bilowday muddo hadda laga joogo dhowr sano, laakiin dowlad kasta waxay ka tagtaa iyadoo aan meel fiican ka gaarin.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11771 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: