Wararka

Mareykanka iyo Somalia ayaa kala saxiixday heshiis lagu dhimayo dibna loogu qaabeynayo deynta…


Safiirka Mareykanka ee Somalia Donald Yamamoto iyo sii hayaha wasiiirka maaliyada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa kala saxiixday heshiis labo geesood ah kaas oo lagu dhimayo dibna loogu qaabeynayo deynta Somalia ay ku leeyihiin sadax hey’adood oo Dowladda Mareykanka ah,waxaana heshiiskan goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Dowladda Mareykanka ayaa Somalia ka cafisay qeybtii uga soo aadday deyn cafintii dalalka Naadiga Paris.

“Sharaf ayay ii tahay in aan maanta la saxiixanay Dowladda Mareykanka Heshiis uu nooga cafiyay qaar ka mid ah deymihii uu Somalia ku lahaa, iyadoo la fulanayo natiijada heshiiskii ay gaareen wadamada Paris Club oo Somalia ka saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Ra’isul wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ahaa heshisika ayaa Dowladda Mareynkanka ugu mahadceliyey deyn cafinta, wuxuuna sidoo kale ku bogaadayay safiirka Mareynkanka sida ay markasta u garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

“Saxiixa heshiiskan waxaa suurto gal ka dhigay Somalia oo hirgalisay dib u habeyn dhaqaale oo muhiim ah islamarkaana gaartay bishii Maarso ee sanadkan 2020 marxaladii ugu horeysay ee deyn cafinta,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaaradda Mareynkanka ee Soomaaliya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11767 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: