Wararka

RW Cusub Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka kala wareegay sii hayihii xilka RW Mahdi Guuleed…


Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilka kala wareegaya Mahdi Maxamed Guuleed oo xilkaan si kumeel gaar ah u hayay tan iyo markii xilka laga tuuray Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli Ra’iisal wasaarihii hore uu qoraal uu usoo diray Ra’iisal wasaaraha cusub ku sheegay in uu isaga xilka ku wareejin doono ayna tahay arin dastuuri ah oo qeyb ka ah haykalka dowladnimada

Kheyre ayaa sheegay inuu Ra’iisal wasaaraha ku wareejinayo xogta muddadii uu Ra’iisal wasaaraha ahaa, balse warar aan helnay waxay sheegayaan in madaxtooyada Soomaaliya ay diiday in Kheyre uu sameeyo xilka wareejin.

Dhammaan Ra’iisal wasaarayaashii barlamaanku rideen ma dhicin in loo diido in ay xilka wareejiyaan, Ra’iisal wasaare kheyre wuxuu ahaan doonaa Ra’iisal wasaarihii ugu horeeyay ee loo diido inuu xilka wareejiyo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11748 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: