Wararka

Trump ayaa u soo xulay Amy Coney Barrett in ay noqoto Garsooraha Maxkamada Sare ee Mareykanka…


Madaxwaynaha Mareykankanka Donald Trump aya u soo xulay Amy Coney Barrett, in ay noqoto garsooraha maxkamada ugu sareysa Mareykanka.

Madaxwayna Trump oo hadal jeedinayay iyada oo ay barbar fadhido Amy Coney Barrett aya waxaa uu ku tilmaamay “haweeney guulo waawayn gaartay “.

Haddii ay aqalka senate-ka ansixiyaan ayaa waxay garsoore Barrett badali doontaa Ruth Bader oo dhawaan geeriyootay iyada oo ay da’deeda ahayd 87 sano jir.

Soo xulidda uu maadaxwayne Trump u soo xulay haweeneydan ayaa waxay aqalka Senate-ka ka dhex dhalin doontaa dood xooggan xilli doorashada madaxwaynanimada Mareykanka ee bisha November ay fooda inagu soo hayso.

Amy Coney Barrett oo hadal jeedisay ayaa madaxwaynaha uga mahadcelisay soo xulidda uu u soo xulay inay noqoto garsooraha maxkamda ugu sareysa Mareykanka.

Dhanka kale xubnaha xisbiga dimuqraadiga ayaa waxay si wayn uga soo horjeedsadeen soo xulidda garsooraha maxkamada ugu sareysa Mareykanka loo soo xulay Mrs Barrett .

Musharaxa madaxwaynanimada ee xisbiag dimuqraadiga, Joe Biden, ayaa ugu baaqay aqalka Senate-ka in aysan u codeyn soo xulidda Mrs Barrett ilaa ay ka dhaceyso doorashada madaxwaynanimada ee bisha November.

Waxaa uu Mr Biden ka digay in Trump uu doonayo in uu burburiyo caafimadka dadwaynaha gaar ahaan adeegga ceymiska caafimaadka ee Obamacare.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11766 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: