Wararka

Maamulka Somaliland ayaa ku tilmaamay weerar lagu soo qaaday shacabka S/land markii la sheegay…


Heshiiskii doorashada ee ay gaareen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyadu ayaa waxaa ka mid ahaa in doorashada xubnaha matalaya Somaliland lagu qabto magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo oo ka qaybqaadanayey barnaamij Isweydiin iyo Jawaab ah oo ka baxay telefiishanka dowladda Soomaaliya ee SNTV ayaa mar kale ka hadlay midnimada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale madaxweyne Farmaajo uu ka hadlay wadahadalladii dhexmaray Soomaaliya iyo Somaliland.

Haddaba Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Xubnaha baarlamaanka Somaliland ee la sheegay in lagu dooran doono magaalada Mugdisho, isagoo ku tilmaamay weerar ay madaxda Soomaaliya ku qaadeen shacabka Somaliland, sida uu sheegay Biixi.

Waxaa sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi uu ka hadlay qaar ka mid ah hadalladii uu jeediyey madaxweynaha Soomaaliya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11767 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: