Wararka

Caruurta aan waalidkooda la aqoon maxaa loogu ceebeystaa dembi aynan iyagu gelin oo dad kale…

In the Institute for the Unsalvageable in Sighetu Marmatiei, Romania, shown here in 1992, children were left in cribs for days on end.

Dina waa haweeney reer Ciraaq ah oo ay korsadeen lamaane dhowr sano Allah u diiday inay wax dhalaan, waxay tageen goob ilmaha aan waalidka laheyn lagu xanaaneeyo si ay uga soo qaataan ilmo yar oo ay korsadaan ee magaalada Baqdaad sanadkii 1980, waxay heleen gabar yar waxayna u soo kaxeysteen gurigooda waxayna u arkeen inay tahay gabadhooda.

Dina waxay ku soo barbaartay guri weyn oo ay ku noolaayeen qoyska waalidkeed, maalin maalmaha ka mid ah markii ay lix jirsatay ayuu aabaheed ku sifeeyay in ay tahay la soo hele ama garac, iyada oo markaasi ku ciyaaraysay taleefanka guriga oo ay la kaftamaysay, iyada oo aan garanayn waxa loola jeedo ereygaasi micnihiisa waqtigaasi.

Dina, oo 49 jir ah, waxay sheegaysaa in dhibaatadeedu ay bilaabatay ilaa maalintaas, ka dib markii qof walba oo guriga jooga uu iigu yeeray isla ereygii inta la kaftamayo ama marka la is khilaafo, waxayna u tagtay hooyadeed si ay ugu sheegto macnaha eraygan.

Dina ayaa sii wadata, “Anigu kuma noolaan caruurnimadaydii si dabiici ah, caruurta reerkuna waxay igu sifeyn jireen magacan ilaa iyo inta ka dambeysa uu ku faafayo deriska iyo dadka kale, waxaana noqday qof ka takooran cid kasta yar iyo weynba, aniga oo aan wax dambi ah galin. Dareenka ceebta ayaa marwalba i daba socday waxaan naxariis ka helay oo kaliya hooyaday, waxaana ku dhex dhacay nooc ka mid ah khilaafyada kala ah “rabitaanka inaan la ciyaaro asxaabteyda ama ka fogaado si aan dareenkeygu loo dhaawicin.

Waxaa kordhay sheekooyinka ku saabsan nasab aan la ogeyn dagaalada ka dib, sanado badan oo go’doomin iyo dhibaatooyin ay Ciraaq soo martay, isla mar ahaantaana waxaa sii socday dhibaateynta iyo cunsuriyeenta bulshadeed oo ku habsatay noloshooda oo dhan sababo la xiriira in ay faquuqaan kuwa ku hareeraysan iyo ku xadgudubka sharaftooda.

Dulmiga bulshada
Dina waxay cadeyneysaa in dareenka ceebeysiga uu kusii socday ilaa yaraanteeda, waxay nacday iskuulka maxaa yeelay waa goob isku keenta iyada iyo caruurta qaraabadeeda iyo deriskeeda kuwaasi oo ku fiiriya indho karaahiyo ah, iyaga daraadoodna, xitaa macalimiinta iskuulku way ogaadeen sheekadeyda waxayna igu eegi jireen il naxariis leh, “taas oo igu qasabtay inaan ka tago iskuulka aniga oo aan dhameysan dugsiga hoose.”

Way sii waday, iyadoo leh: “Ma aanan helin macaamil caadi ah ka bini-aadam ahaan iyo dad ahaanba, laakiin waxaan dareemay inaan ka yarahay asxaabteyda oo ma aanan aqoon sida aan ula dhaqmayo oo aan ka aheyn aamusnaan ama inaan garaaco oo la dagaalamo qof kasta oo i caaya ama i daandaansada.

Dareenka caddaalad darradu waa mid xanuun badan oo igu riixday go’doomin iyo kelinimo in kasta oo aan ku dhoweyn 20 qof inta guriga ku nooleed, inta badan waxaan ahaa keligay inkasta oo aan jeclaa waalidkey, laakiin waxaan maqlaa erayo dhaawac leh haddii uu dhaco wax khilaaf ah, taas oo ka muuqata habdhaqankayga ee dadka kale. “

Dina waxay ka hadlaysaa guurkeeda, iyadoo leh, “Waxaan guursaday 4 jeer oo aan kala tagnay, hadana waxaan haystaa 4 caruur ah. Khibradii xumeyd ee caruurnimada waxay ka muuqatay xaqiiqadayda waxaana xambaarsaday astaamo badan oo xun oo ka dhashay rabshado iyo dhinac u riixid. In kasta oo waalidkay ay igu bixiyeen lacagtoodii oo dhan, taas oo u horseedday khasaaro dhinac maalka ah dhowr sano socotay, aniga Kama qoomameynayo wax kasta, maxaa yeelay wixii aan iyaga dartood ugu hor imid ayaa i daba socda xataa iyadoo cimrigeyga kor u dhaaay 40 sano. “

“Aabahay markuu xanuunsaday kadib waxaan la noolaa hooyaday, intaas ka dib qoyskii aabbahay way na diideen xitaa nama soo dhoweeyaan markan booqano, mana iloobo isha wadata tuhunka oo ay nagu soo eegayaan markii aan la kulmaba, welina dhinacooda waxaan ka ahay gabadhii garacad ah oo aan sharaf laheyn, waxaana arrintaasi dab ku sii shiday burburka guurkeyga, waligayna ma dareemin inaan qoyskaasi ka mid ahay maadaama ay iga gaargaarsanayeen, laakiin waxaan ahaa ilmo yar oo ay heleen, sidaa darteed waxaan ku noolaa baadinimo.

Kariim al-Nassab
Carruurta waalidkood aan la aqoon oo lagu tilmaamo carruurta sharci darrada xiriirka galmada ku yimid ee xaaraanta ah ee ka baxsan guurka, ama haka yimaado kufsi, ama nasab sax ah, laakiin waalidkood uu awoodi waayey in ay koriyaan, sidaa darteed nasabkooda aan la aqoon.

Tallaabo wanaagsan ayey qaaday Hay’adda Daryeelka Carruurta ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Ciraaq oo go’aansatay 2014 in loogu yeero dadkan “Kariim al nasab” halkii loogu yeeri lahaa “caruurta aan waalidkooda la aqoon”, si looga yareeyo murugta xaaladahan maadaama aqoonsiga waalidkood uu lumay.

Caruurta noocan ah ayaa kordhay muddooyinkii ugu dambeeyay kuwaas oo la dhigo meelaha lagu shubo qashinka ama waddooyinka, masaajidda, ama hoyga lagu xanaaneeyo caruurta noocaasi ah, tanina waxay ugu wacan tahay xiriirka sharci-darrada ah ee ka baxsan guurka iyo ifafaalaha baahsan ee kala-go’a qoyska, furiinka, maqnaanshaha caqiidada diinta iyo adeegsiga qaldan ee Internetka ee bulsho muxaafid ah oo aan u dulqaadan hooyooyinka, sidaa darteed dumarka waa la dilaa waxaana dilkaasi loo tixgeliyaa dambi sharafeed haddii la ogaado, halka ninka aan lagula xisaabtamin qaladkiisa oo ah qayb ka mid ah dhaqanka bulshada.

Taageerada qoyska
Si la mid ah Dina, Maysa (61 sano jir) oo iyadu soo martay khibrad ka duwan tii Dina waayo qoyskeedu waxay qariyeen arrinkeeda, waxay tiri, “Hooyaday waxay i siisay daryeel buuxa caruurnimadaydii oo dhan waxayna igu qarash gareysay maalkeeda waxbarashadaydii oo dhan, markii aan qaan gaaray waxay ii sheegtay inaan ahay gabar la soo helay, oo iyada isoo qaadatay iyadoo dhowr maalmood jirta, waxayna ka taxadirtay in cidi ogaato, waxaan dhameystay waxbarashadeyda waan guursaday welina cidi ma ogeyn, anigana kuma dhiiran inaan is kashifo, waxaan lahaa labo caruur ah, waxaan ku dadaalay inaan sirtaasi dhowro, maxaa yeelay waxaan hubaa in bulshadu aysan i aqbali doonin, tanina waxay saameyn ku yeelan doontaa qoyskeyga iyo burburka Dhammaan waxyaabaha quruxda badan ee noloshayda, inkasta oo aanan dambi lahayn, laakiin bulshada ayaa hoos u eegta dhammaan carruurta aan waalidkood la aqoon ah. “

“Waxaan dhameeyay waxbarashadeyda, waxaan qaatay shahaado jaamacadeed, waxaan noqday hooyo guuleysatay, waxaana had iyo jeer ixtiraam iyo qadarin ka helay bulshada, maxaa yeelay waxaan isku dayay oo xoogga saaray oo qariyey sirteyda, waxaana daryeelay qoyskii i korsaday, mana jirto cid ku dhiiratay inay furto dhinacan kale ee nolosheyda,” ayey tiri Maysa

Maysa ayaa intaas ku dartay, “Waxaan sameeyay wax walba oo karaankayga ah si aan u noqdo qoys guuleysta oo sharaf leh, oo ninkeyga iyo qof kale midna ma ogaan mowduuca nasabkeyga oo aan la aqoon, mana jiro qof weligiis iigu yeeray qof waalidkiisa la aqoon, waxaan ku noolaa nolol dabiici ah, intaas oo dhanna lama gaari laheyn haddii hooyaday aysan qarin sirta nolosheena oo dhan.” Maxaa yeelay deegaankeennu waa mid aan naxariis lahayn oo aan u damqanayn caruurta aan la aqoon, xitaa haddii uu yahay qoyska mid qadarin leh. “

Saamaynta dhinaca nafsiga
Cilmi-baare cilmi-nafsi ah, Dr. Noha Abdullah, ayaa sheegtay in “Karim Al-Nassab” uu la il daran yahay dhibaato laba aqoonsi ah, maxaa yeelay aqoonsiga shakhsiyadiisa iyo qoyskiisa ayaa la waayey, sidaa darteed waxba kama oga waalidkiis, sidaas darteedna ma garanayo meel uu ka tirsan yahay, halka asxaabtooda ay ka soo jeedaan qoysas oo ku faana abtirsiyadooda, laakin isaga wuxuu dareemayaa inuu ku taagan yahay dhul jilicsan. Qofka aqoonsigiisa waa baahi aasaasi u ah shakhsiyadiia, oo markay mugdi ku jirto, qalloocan tahay ama aan la garanayn, waxay ka dhigaysaa sidaasi qaab dhismeedka nafsiga ah.

Mushkiladaasi ijtimaaciga ama bulshada ah ayaa waxaad moodaa inay dalkeenu ay ku soo badaneyso oo muddadii dheereyd ee dagaalada lagu jiray oo tarbiyada caruurta aad u xumaatay markii la waayey dowlad wax hagta, culimo wax guubaabisa, waalid wax canaanta oo noqotay jaantaa rogan waxay na dhaxalsiisay caruur badan oo waalidkood la aqoon in aanan loola dhaqmin sidii qof bani aadam ah oo la xaqiro, dadkii keenay inay caruurtaasi dayacmaan suuqa iska wareegaya, arrintaasi waxay keeni kartaa burburka ummada haddaan laga digtoonaan oo bulshada la wacyi gelin oo la fududeynin guurka.

Waxaan ku noolaa wadan dadkiisa ay muxaafid yihiin, weligay ma arkin gabar dalkaasi ka socota oo tahriib soo gasha, waayo waxaa celinaya dhaqanka iyo diinta, Allah ka sokow xataa deriska ayey ka baqaan, haye kuweena waxaa loo soo iibiyaa guryo, waxay dhashay taasi in qaarkood oo wata caruur aan aabe laheyn soo galaan Yurub, ma noqoneyo sabab nolosha ayaa dhib aheyd oo tahlukadaasi loo soo galo, nolosha Allah ayaa damaanad qaaday meel kasta oo la joogo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11751 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: