Wararka

Haweenay 85 jir aheyd ayaa lagu kufsaday magaalada Afgooye iyadoo la soo qabtay ninkii kufsaday…


Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in maalin ka hor lagu kufsaday haweeney 85 jir ahayd.

Falka kufsiga ayaa ka dhacay beer ay haweeneydaasi ku ilaalineysay ari, ka dib markii uu soo weeraray nin dhalinyaro ah,

Haweeneydan oo loo soo qaaday dhinaca Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haataan xaaladeeda lagula tacaalaya Isbitaalka Madiina.

Ciidanka Booliska ee Degmada Afgooye oo dhacdadaasi ka hawlgalay ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan ninkii falkaasi gaystay.

Ibraahim Cumar Qaasim (Ibraahim Carab), Gudoomiyaha Degmada Afgooye ayaa waxa uu xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay ninkaasi.

Warka la xiriira kufsiga haweeneydan ayaa maanta uun soo shaac-baxay, markii ay kiiskeeda ka dhawaajiyeen Maamulka Degmada Afgooye.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa toddobadkan ballanqaaday inuu la dagaalami doono tacadiyada ka dhanka ah dumarka iyo carruurta.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: