Wararka

Laftagareen: kuraasta qaar waxaa jira dad ku xaq lahaa oo dhib u soo maray oo la doonayo in la xushmeeyo…


Kulan ay si wada jir ah uga qeyb-galeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya, madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo inta badan xildhibaannada maamulkaas laga soo doorto ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo munaasabadda kulanka soo agaasimay ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo sidii meesha looga saari lahaa tabashooyinka xildhibaannada qaar ay ka qabaan maamulka ee ku aaddan in doorashada aysan noqon mid daah furan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa u sheegay dhammaan mudanayaashii kasoo qeyb-galay kulanka in doorashadu ay noqon doonto mid daah furan oo cadaalad waafaqsan.

“Doorashadu waxay noqon doontaa mid daah furan oo cadaalad ah, laakiin kuraasta qaar waxaa jira dad dhintay iyo kuwa nool oo ku xaq lahaa, dhib badanna usoo maray, iyagana waa in la xushmeeyo” ayuu madaxweyne Laftagareen u sheegay xildhibaannadii kulanka joogay.

Kulanka xalay ka dhacay Muqdisho ee u dhexeeyay Lafta-gareen iyo xildhibaannada Koonfur Galbeed lagasoo doorto ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya la isku diyaarinayo doorashooyin.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: