Wararka

M/weyne Farmaajo oo kulan kale isugu yeeray madaxda DXDF ee ku sugan magaalada Mogadishu…


Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan kale isugu yeeray madaxda dowladaha xubnaha ka ah federaalka ee ku sugan magaalada Muqdisho si ay uga wada hadlaan qaababka loo dhaqan gelin karo heshiiskii doorashada.

Kulankan waxaa sidoo kale uu ku saabsan yahay sameynta guddiga isku dhafka ee hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer federal iyo heer dowlad goboleed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kala tashanaya madaxweynayaasha dowlad goboleedyada magacaabida guddiga doorashooyinka iyo xubnaha uga qeyb galaya guddigaas dowlad goboleedyada.

Wada hadalkaan waxaa sidoo kale qeyb ka ah shaacinta jadwalka doorashada dhacayso.

Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka qeyb qaadanaya kulankaan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: